DAAWO: ”Waa DIRAC, mayee waa dib u socod!” – Musharraxnimada gabar Muslimad ah oo dood ka oogtey dalka Talyaaniga + Sawirro

0

(Mantoro) 30 Abriil 2019 – Murashaxadda Golaha Degaanka xisbiga Shnata Xidigood ayaa la kulantay aflagaaddo Islaam naceyb xambaarsan.

“Adiga oo sita xijaabkan nama meteli kartid” ayaa lagu yiri Assiya Nasri oo ah 20 jir u tartameysa ka mid noqoshada Golaha Degaanka Mantoro oo hoostagta magaalada Avellino gobolka Campania ee koonfurta Talyaaniga.

Dadkan oo ah qolooyinka cunsuriga ah ee midigta raacsan siyaasad ahaan ayaa sheegay in ay dhib u arkaan xijaabka ay gabadhani xiran tahay.

Waxyar kahor waxaa bilowday Ololihii Doorashada, waxaana tartameyaasha ku jirta Aasiya oo ay dad badan murrashaxnimadeeda dood ka keeneen.

Uma sharaxna ka mid noqoshada Xildhibaanada Barlamaanka Yurub balse waxay u tartameysaa doorashada dib u cusbooneysiinta Golaha Degaanka iyo duqa magaalada Mantoro.

Gabadhan oo maahirad ku ah Xisabata ayaa waxay  Bachelor ka haysataa maadadada Xisaabta. Qofkii yaqaana waxa uu ku sheegaa inay tahay gabar firfircoon oo bulshaawi ah.

Aasiya waxay haysataa dhalashada Talyaaniga, waana muslimad wayna xijaabataa, balse dadka badankood kuma ixtiraamayaan xijaabashadeeda iyo diinteedaba.

Qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada oo ay ku sheegeyso murashaxnimadeeda waxay kala kulantay falcelinno islaam naceyb ku saleysan, waxaan ka soo qaadan karnaa jawaabtan:

“Iga raalli noqo waxaynu nahay dumar Talyaani ah, sidee nagu matali kartaa qof madaxa ka dadaneysa inay raggu arkaan?”. “Ruux Talyaani ah oo mataleyso gabar ajnabi ah maba jiri karo” qof baa soo qoray.

“Waxaad aqbashay nooc ka mid ah takoorka, maadaama aad madaxa daboolatid markaad dabaalaneyso, halka ragga muslimiinta ahi aysan daboolanin madaxa” mid kale ayaa soo qoray.

Yeelkeede, waxaa jiray faalooyin kale oo lagu dhiirigeliyey waxaana ka mid ah: ”Waxaan kuu muujinayaa hiillo badan, anigoo ka xun afladaadada laguu gaysanayo, waxaan rajaynayaa in lagu doorto.” ayuu qof soo qoray.

“Waan la dhacsanahay gabadhan yar ee Aasiya geesinamdeeda iyo fikirkeedaba waan arki doonaa waxa dhici doona” Waa qof kale.

“Nasiib wacan geesiyad baa tahay”. Waxaa iyadana ka falcelisay gabadha Silvia Romano, oo lafteedu u sharraxan ka mid noqoshada Golaha Degaanka isla magaalada Montoro oo tiri:

“Wadankeena bulshada muslimiinta waa dad isdhexgal wanaagsan sameeyey, waxaan ku faanayaa in dadka aragtida xun ka qaba Aasiya inaysan igu magaalo ahayn”.

Muslimiinta Talyaaniga ku nool waa ku dhowaad 2 milyan, 40% muslimiintaas waxay isugu jiraan Talyaani dhalad ah oo diinta qaatay, iyo ilmihii ku dhashay Talyaaniga.

Siyaasiyiinta Talyaaniga qaarkood waxayba codka ku raadiyaan cunsuriyada halka ay ahayd inay ku tartamaan waxqabad dhaqaale iyo horumaro kale, taasoo nasiib darro qayb ka ah sida ay haatan u shaqayso siyaasadda Galbeedku.

Waxaa cunsuriyad noocan oo kale ah horay ula kulantay Cecile Kyenge oo ah xildhibaanad Talyaaniga ku matasha Barlamaanka Dhexe ee Midowga Yurub, asal ahaan se ka soo jeedda dalka Congo DR.

Waxaa Diyaariyay: Yuusuf Cali Max’ed & Max’ed Xaaji

Hadalsame Media