Muxuu Abwaan Guure ka yiri xilka laga qaaday? (Abwaanka oo hadlay)

0

(Elvan) 29 Abriil 2019 – Abwaan Cismaan C/laahi Guure oo goor dhowayd laga qaaday xilka Agaasimaha Guud ee Golaha Murtida iyo Madadaalada ayaa markii ugu horreeysey jawaab kooban ka bixiyay arrintaasi.

Abwaan Guure oo haatan ku sugan magaalada Elvan ee dalkaasi Turkiga ayaa soo dhoweeyay xil ka qaadistiisa, isagoo ballan qaaday inuu wareejin doono marka uu dalka kusoo laabto. Waxaa xilkiisa loo magacaabay weriye Maxamed Abuukar Ma’da.

”XILKU WAA MEERTO. Waa ku Faraxsanahay Xilka leyga qaaday waana soo dhoweynayaa Insha Allaah markaan Dalka ku Soo laabtana waa wareejinayaa.” ayuu yiri Abwaan Guure.

Abwaan Guure oo ah milkiilaha Idaacadda Kulmiye oo maanta barqadii sheegtay war ku saabsan in uu MW Somalia ee Farmaajo uu aqbalay in la bedelo RW Khayrre, iyadoo ay jiraan dad durba isla doontay labada dhacdo, waloow aynaan weli hubin wax xiriir ah oo ka dhexeeya.

Hadalsame Media