”WAAR NOO JOOJI!” – Sweden oo Khamiista bilaabaysa tijaabada ADEEG cusub oo ay bixinayaan basasku

0

(Stockholm) 29 Abriil 2019 – Kaddib markii uu sanadkii hore shaqayn waayay qorshe lagu doonayay in lagu sameeyo khad cusub oo ah bas ka dhex shaqayn lahaa Bromma iyo Stenhamra oo ka tirsan Stockholm, haatan ayaa markale la tijaabinaya.

Baska bixinaya adeeggan cusub oo uu khadkiisu yahay 504Y ayaa ka dhex shaqayn doona Hallonbergen iyo Ursvik oo ka wada tirsan Sundbyberg, gobolka Stockholm. Baskan cusub ayaa rakaabku xaq u yeelan doonaan inay baska joojiyaan markasta oo ay u baahan yihiin, xitaa haddii aysan meeshu ahayn boosteejo ama bas istaag.

Maxaa looga gol leeyahay?

Ujeedka tillaabadan laga leeyahay waa in ay dadku amaan dareemaan oo ay xorriyad ugu degaan halka ay doonayaan, sida uu qabo Aleksander Krajisnik, madaxa warfaafinta ee hay’adda gaadiidka dadwaynaha Stockholm ee SL.

Tijaabadu waxay bilaabmayaa Khamiista soo aaddan, Maajo 2, waxayna socon doontaa ilaa Juun 1, markaasoo la daraasadayn doono in khadkaa joogto laga dhigayo lana ballaarinayo iyo in kale.

Hadalsame Media