DAAWO: Aljeeriya oo dhisatay MASJID dhowr rikoodh jebiyay + Sawirro

0

(Algiers) 29 Abriil 2019 – Kaddib 7 sano oo dhisme ah iyo kharash kor u dhaafaya $1 bilyan oo doollar oo lagu khasiray, waxaa dalkaasi Aljeeriya laga furay masjid jebiyay rikoodho badan oo caalami ah.

Masjidkan Wayn ee Algiers, ama Djamaa El Djazair, ayaa ku fadhiya dhul bedkiisu dhan yahay 400,000 oo mitir oo laba jibbaaran, wuxuuna leeyahay minnaarad dhererkeedu yahay 265 mitir (870 cagood).

Masjidkan oo soo eegaya Gacanka Aljeeriya ayay markiiba ku dukan karaan 120,000 oo qof, isagoo leh meel gawaarida la dhigto oo dhulka hoostiisa ah oo qaadda 7,000 oo gaari mar qura.

Dhismaha masjidka ayaa waxaa wehliya dugsi Qur’aan ballaaran, maktabad, makhaayad, goob yar oo lagu ciyaaro iyo xarun lagu daraasadeeyo taariikhda Aljeeriya.

Marka la dhamaystiro, wuxuu masjidkani noqonayaa midka 3-aad ee ugu wayn caalamka dhanka bedka iyo kan 1-aad ee ugu wayn qaaradda Afrika.

Labada qura ee ka horreeysaa waa Masjidka Maka iyo Masjidka Nabiga ee Madiina: Kuwaasoo labaduba ah labada meel ee ugu barakaysan Islaamka.

Masjidka Aljeeriya ayaa sidoo kale xukunka u haya dhanka kale, waayo waa masjidka ugu minnaarad dheer Afrika, isagoo dhaafay Masjidka Hassan II Mosque oo ku yaalla Casablanca, Morocco oo leh minnaarad uu dhererkeedu la’eg yahay 670-cagood.

Hadalsame Media