Mid ka mid ah labadii BASAAS ee Imaaraatiga ahaa oo xabsiga isku daldaley! + Sawirro

0

(Istanbul) 29 Abriil 2019 – Mid ka mid ah labadii basaas ee ay gacanta ku dhigeen ciidamada amaanka Turkiga horraantii bishan ayaa la sheegay inuu isku diley xabsiga Silivri, sida uu sheegay xafiiska dacwad oogaha dadwaynaha.

War kasoo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in la helay maydka Zaki Y. M. Hasan oo isagoo daldalan ka laalaada albaabka musqusha qolkii uu ku jirey, subixii Axaddii shalay.

Waxaa iminka bilowday baaritaanno lagu sameeynayo maydka ninkaasi oo ay isaga iyo mid kale oo lala qabtay ay maamulka Turkiga u qirteen inay basaasayeen guud ahaan dadka Carbeed ee ku dhaqan Turkiga iyagoo u dhashay Imaaraadka. Waxaa laga qabtay Istanbul 19-kii bishan.

Labada nin midkood ayaa lala xiriirinayaa inuu wax ka ogaa khaarajintii weriyihii Jamaal Khashuuqji oo la dhagray 6 bilood kahor, kaasoo uu dilkiisu ku cadaaday Sucuudiga.

Warqaadka Daily Sabah ayaa ogaadey in ninka 2-aad ee weli nool oo magaciisa lagu koobay S.S., uu sheegay in loo xil saaray inay Turkiga ka aasaasaan dad ka horjeeda nidaamka Turkiga.

Wuxuuse hoos yimid waynaysada sirdoonka Turkiga ee MIT oo ninkan xiisaysay markii ay aragtay kulamo xasaasi ah oo uu dad kala duwan la sameeyay, waxaana kaddib lagu sameeyay dabagal uusan ka warqabin oo iskugu jira mid jireed iyo kaamarooyin, waxaa kale oo la ogaadey inuu lacag siinayay dadka xogaha siinayay.

Hadalsame Media