Turkiga oo qabtay niman Imaaraati ah oo ”qirtay” inay BASAASIIN yihiin! (Arrin la yaab leh oo ay fulinayeen & dilkii Khashuuqji oo ka mid ah)

0

(Istanbul) 20 Abriil 2019 – Turkiga ayaa gacanta ku dhigay laba basaas oo la sheegay inay jaajuusayeen dadka Carabta ah oo u dhashay dalka Imaaraadka, kuwaasoo lala xiriirinayo inay lug ku leeyihiin khaarajintii Jamaal Khashuuqji oo 6 bilood kahor la diley.

Anadolu Agency oo soo xiganaysa ilo garsoor ayaa faafisay in Turkigu uu haatan baaritaan ku bilaabay in labada nin ee ay xireen uu midkood ku lug leeyahay dilkii Jamaal ee bishii Oktoobar.

Reuters ayaa sidoo kale qortay in sarkaal sare oo Turkish ihi uu u sheegay in labadan nin ay qirteen inay basaasayeen guud ahaanba dadka Carbeed.

Labadan nin oo lagu soo qabtay dabagal uu sameeyay Xafiiska Dacwad Oogista Istanbul ayaa loo haystaa mu’aamarado siyaasadeed, ciidan iyo sirdoon.

Waxaa aad loola yaabay sababta ay nimankani u basaasayeen dadka Carabta u dhashay oo idil iyo ujeedada taa ka dambaysa.

Hadalsame Media