Garoowe oo la gaarsiiyay 5 qof oo loo haysto dilkii & kufsigii Caa’isha Yareey

0

(Garoowe) 20 Abriil 2019 – Saraakiisha maamulka Puntland ayaa magaalada  Garoowe gaarsiiyay 5 qof oo loo haysto in ay wax ka ogaayeen dilkii Caa’isha Ilyaas Aadan oo inta la kufsaday hadana la dilay.

Eedeysanayashan  ayaa la  horkeenayaa Todobaadkan  Maxkamada magaalada Garoowe si  loogu qaado kiiska loo haysto ee dilka gabadha 12 sano jirka ahayd.

Hay’adaha ammaanka Puntland ayaa sheegay in  raga kiiskan ay u  hayaan ay ku jiraan kuwo isku dayay in ay baxsadaan  hase ahaatee ay ku guulaysteen in  gacanta ay ku soo dhigaan.

Saraakiisha ayaa sheegay in dadka kiiskan foosha xun loo haysto  ay gaarayaan 7-qof isla markaana   ay socdaan  baaritaano  dheeraad ah  oo ay ku soo qabanayaan dadka kale e  ee ka maqan kiiskan.

Deggaanada Maamulka Puntland ayaa marar badan waxa ku soo noq noqday  falalka la xiriira Kufsiga  taas oo keentay walaaca  Bulshada rayidka ay ka qabaan xaalada tacdiga ee degganadaas.

Hadalsame Media