DAAWO: Dhulka ayuu ku dhacay wuuna dhintay, lkn dadku waxay moodayeen inuu ”XARRAGO” ula jeedo!! + Sawirro (Arrin yaab leh oo dhacday)

0

(Sao Paulo) 29 Abriil 2019 – Wiil moodal ah oo u dhashay dalka Brazil ayaa ku dhacay kaabadda ay ku socdaan dadka dharka xayaysiiya, isagoo isla goobta ku dhintay.

Wiilkan oo ka qayb gelayay Todobaadka Xarragada ee magaalada Sao Paulo’s Fashion Week ayaa la sheegay inuu qabey bugto aanay dhakhaatiirtu horay uga war haynin.

Tales Soares, 26 jir, ayaa xanuun deg deg ah dareemay isagoo ka qayb gelaya bandhigga dhar ay samaysay  Ocksa dalka Brazil, sida ay sheegeen abaabulayaasha munaasabadda.

Ka qayb galayaashii goobta joogey ayaa bilowgii markii uu dhacay moodayey inay taasi qayb ka tahay xarragada, kahor intii aan loo yeerin dhakhaatiirtii oo isku day guuldarraystay ku hollinayay inay badbaadiyaan Mr Soares.

Sida ku qoran warqaadka Brazilian-ka ah ee Folha Press, Mr Soares ayaa ku istaagey xarigga kabihiisa kaddibna sidaa ku dhacay, wuuna dhintay.

Hadalsame Media