DAAWO: ”Waar ciyaarna waxba ka garan mayside naga AAMUS!” – Allegri & Adani oo indhaha isu shitay kaddib kulankii Inter-Juve

0

(Milano) 28 Abriil 2019 – Kaddib ciyaartii xalay ee Inter iyo Juve oo 1-1 ku idlaatay, waxaa sidii caadada ahaydba hilinka Sky Sport Italia waraysi siinayay macallin Allegri, balse waxay qoorta isu galeen laacibkii hore ee Inter, Fiorentina iyo Brescia Lele Adani, kaasoo haatan ka mid ah falanqeeyayaasha Sky.

“Talyaaniga, qof kasta waa aragti-yahan kubadeed, taasina runtii waa dhibaato, sida in buug la akhrinayo. Hadda aamus anigaa hadlayee, (waayo) waxba kama taqaannid kubadda cagta.” ayuu yiri Allegri oo caro la qaacaya.

“Miiskaas unbaad fadhisaa, buugaag baad akhrisaa, balse kubad waxba kama taqaanid. Waxaan ku guulaystey 6 Scudetti.” ayuu raaciyay.

Markii ay halkaa joogto, Allegri iyo Adani waxay is dhaafsadeen erayo badan oo asaraar ah, ilaa uu macallinka Juventus iska dhaqaaqay.

Hadalsame Media