Shir xasaasi ah oo ay soo xaadirayaan dalal & ururro caalami ah oo berri ka furmaya Muqdisho (Muxuu ku saabsan yahay?)

0

(Muqdisho) 28 Abriil 2019 – Magaalada Muqdisho waxa ka furmaya maalinta berri  oo ku beegan Isniin, 29-ka Abriil, shir looga hadlayo Bedqabka Fikirka iyo la Dagaallanka Xagjirnimada.

Waxa soo qaban qaabiyay shirkan xukuumadda Federaalka Soomaaliya , waxana gacan ka gaysanaya Ururka iskaashiga Islaamka OIC.

Wakiillo ka socda 12 Dowladood, ururro  caalami ah iyo aqoonayanno ayaa qayb ka ah madaxda xaadiri doonta shirkan.

Inta uu socdo shirka waxa hadallo ka jeedin doona khubaro xagjirnimada wax badan ka yaqaana ama ka dersa iyo aqoonyahanno.

Dhowaan  magaalada Muqdisho waxa ku soo dhamaaday shir looga hadlayay  xagjirinimada kaas oo ay soo qaban qaabiyeen Culuma’udiinka Soomaaliyeed.

Hadalsame Media