SIR CULUS: “95% weerarrada argagixiso ee dunida ka dhaca waxaa ka dambaysa CIA.” – Putin

0

(Moscow) 28 Abriil 2019 – Vladimir Putin ayaa sheegay in sida uu qabo “95% weerarrada argagixiso ee dunida ka dhaca ay ka dambayso hay’adda CIA.”

Markii la waydiiyey sida ay maangal iyo sax ku noqon karto boqolleeyda ah 95%, Putin ayaa inta in yar aamusay sharraxaad ka bixiyey in dunida aan loo maamulin sida ay dusha sare uga muuqato.

Putin ayaa sheegay in CIA ay tahay hay’ad aan daacad ahayn oo dunida ka wadda ajeendayaal fog oo qarsoodi ah oo ku saabsan in la sameeyo hal nidaam oo hal meel looga taliyo (New World Order).

Wuxuu intaa raacshey in CIA ay magac ahaan tahay hay’ad Maraykan, balse sida uu qabo aysan u taagnayn “danaha dadka Maraykanka”

Mar Putin la waydiiyay in kursigiisu uu marka dambe eersan karo hay’adda CIA oo dunida ka fulisa afgembiyo qorshaysan wuxuu ku jawaabey:

“Dadaal iyo xeel badan ayay u baahan tahay in Putin la gaarsiiyo heer uu libiqsado.“

Putin ayaa sheegay in: “insaanka madaxa laga haystey muddo dheer si “dareenkiisa loo hurdisiiyo” iyadoo la adeegsanayo siyaasadda iyo saxaafadda ay shirkaduhu leeyihiin.

Hadalsame Media