‘WAAR IGA WAREEG! Jilaaga caanka ah ee Raamboow & gabar foodda is daray + Sawirro

0

(Los Angeles) 27 Abriil 2019 – Jilaaga caanka ah ee Sylvester Stallone (Raamboow) ayay dagaal foolka isku diireen qof ay isku haysteen meel baabuurrada la dhigto.

Jilaagan, oo 72 jir ah, ayay caro badani ka muuqatey isagoo mar qura gaarigiisa kasoo baxay jeer uu la murmayey gabar gaari wadatey oo isku dayday inay booska baakinka ka gasho, shalay Jimcihii magaalada Los Angeles.

Sylvester iyo gabadhaasi ayay misna ka tafatay iyagoo muddo si kulul u wada hadlayey.

Yeelkeede, dooddii muddo yar kaddib iskeed ayay u joogsatey kaddib markii ay gabadhu goobtii ka dhaqaajisay, taasoo Sylvester u ogolaatay inuu gaariga dhigto.

Hadalsame Media