DAAWO: Idris Elba oo Sabriina Dhoorre aroos maalmo socdey ugu dhigay dalka Marooko + Sawirro

0

(Marrakesh) 27 Abriil 2019 – Idris Elba ayaa guursadey gabadha Soomaaliyeed ee Sabrina Dhowre (Dhoorre) oo ay muddo dheer isku cindanaayeen, xaflad 3 maalmood socotey oo ka dhacday dalkaasi Morocco.

Waxaa meesha kasoo baxaya muuqaallo cajiib ah oo ay qaadday majalladda British Vogue, oo soo gudbinayey arooska lamaanahan oo sanad kahor is doontay.

Xafladdan far taagga ah oo ay kasoo qayb galeen dad fara badan ayaa ku qabsoontay hoteelka Shanta Xiddigood ee Ksar Char Bagh oo ku yaalla magaalada dalxiisku ku wacan ee Marrakesh, shalay Jimcihii.

Sabrina, 29 jir, ayaa maalinta arooska usoo xiratey naqshadda Vera Wang, halka Idris, 46 jir, uu sitey suut uu ku fara yaraystay naaqishka Ozwald Boateng.

Alba ayay horay u kala tageen Sonya Nicole Hamlin, oo uu furay 4 bilood uun kaddib guurkooda. Wuxuu sidoo kale wiil 5-jir ah la wadaagaa Naiyana Garth.

Wuxuu sidoo kale horay u qabi jirey Hanne Norgaard, oo u dhashay gabadhiisa Isan, oo haatan 17 jir ah.

Hadalsame Media