DHEGEYSO: ”Lacagta ma waxaan ku qaadannaa inaan xaflado iska aadno?” – Xildhibaan furka ku xooray xildhibaanno maanta iska aadey xafladdii Sh Shariif

0

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka mid ah Xildhibaanada Baaralamanka dhexe ee Soomaaliya ayaa sababtii uu maanta Golaha Shacabku kooram la’aanta u noqday ku tilmaamay ”qayrul mas’uulnimo.”

Dhakhtar ayaa sheegay in xubnaha ka baaqday kulankii maanta ay aadeen xafladda daah-furka Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif, taasoo uu ku sheegay inay dan gaar u baajiyeen dantii guud ee ay umadda ugu shaqaalaysnaayeen mushaarkana ku qaadanayeen.

”Inuu baaqdo waxaa sabab u ah xildhibaannada aadey xafladda Sheekh Shariif uu ku furayo xisbigiisa.” ayuu yiri xildhibaan Dhakhtar.

”Ilaah baan idinku dhaarshee lacagaha ay dadkaasi qaataan ma xalaal baa mise waa xaaraan? Anigu waxaan leeyahay waa xaaraan.” ayuu iskugu jawaabey.

Baarlamanka Dhexe ayaa maanta iskugu iman lahaa akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka ganacsiga Somalia oo ahaa ajende muhim ah.

Hadalsame Media