Kenya oo Somalia kusoo qaadday dagaal cad (Dadka ay adeegsanayso)

0

(Nairobi) 27 Abriil 2019 – Kenya waxa ay xoojisay tallaabooyinka dagaalka siyaasadeed ah oo ay kula jirto Soomaaliya, Iyada oo aan cidna ka gabbaneyn.

Dagaalkaa Kenya waxa ay u adeegsaneysaa Soomaali ka fikireysa dantooda gaarka ah oo qura iskana illoobay danta guud ee qaranka.

Xilli laga war sugayo go’aanka maxkamada Hague ee badda ay Kenya nagu heysato ayay Kenya dardar gelisay khalkhal gelinta qaranimada Soomaaliya ee soo kabashada ku jira.

Kenya waxa ay marti gelisay dhamaan dhinacyada ku kacsan siyaasadda Dowlada Soomaaliya ee iminka jirta, balse danta ay leedahay waa mid saamaynaysa qof kasta oo Soomaaliyeed.

Saxaafadda Kenya ayaa waxa ay haatan ka digayaan ciidanka Danab oo ay khatar istaraatiji ah u arkaan. Waxay dhismo ka wadaa xuduud beenaadka Beledxaawo.

Waxay jirta soo jeedin ah in ay sahmineyso xiriir diblumaasiyadeed oo ay Somaliland la sameyso, taas oo sheegata in ay ka go’day Somalia 1991, balse uusan caalamku wali aqoonsan.

Waxay horay ceyrisay Safiirkii Soomaaliya ee Nairobi Iyada oo Soomaaliya ku tilmaantay cadaw.

Hadaba maxaa dan u ah mucaarad iyo muxaafad dadka soomaaliyeed? Shacabku se maku baraarugsan yihiin khatartaasi.

Waxaa Qoray: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media