MA HIGUAIN MISE ELVIS PRESLEY?: Daawo Higuain aanad horay u arag! + Muuqaal

0

(London) 25 Abriil 2019 – Waa Gonzalo Higuain, aanad abidkaa horay u arag. Qannaaska kooxda Chelsea oo haatan amaah uga soo maqan Juventus, ayaa wacdaro ka dhigay munaasabad dhalasho oo loogu xafladaynayay gaashaanka kooxdaasi ee David Luiz.

Pipita oo gool ka dhaliyey barbarrihii aan nacfiga badan lahayn ee ay la galeen kooxda Burnley dhanka Premier ayaa markan barxad kale iska muujiyay.

Waxaa baraha bulshada xulaya Higuain oo la arkayo isagoo iska dhigaya aabihii muusigga loo yaqaanno Rock and Roll oo ah Elvis Presley.

Ugu yaraan Higuain ayaa helay wax uu iskii ugu maadaysan karo ama asxaab uga qoslin karo, kaddib fasal-ciyaareed fashil ah.

Hadalsame Media