Arrin nasiib darro ah oo ka dhacday Degmada Afgooye + Sawirro

0

(Afgooye) 25 Abriil 2019 – Laba carruur ah oo wada dhashay da’dooduna ay ka yar tahay 10 sano ayaa geeriyooday kaddib markii ay koronto qabatay gudaha degmada Afgooye.

Biyo uu dhigay roob halkaa ka da’ay ayay ku qubeysanayeen caruurtani markii ay ku dhegtay koronta ku tiilley baalle u dhaw halka ay biyuhu fariisteen.

Axmed Karbaash oo kamid ah dadka degmada Afgooye ayaa sheegay in caruurtan daqiiqado ka dib markii korontadu ay qabsatay ay dhinteen.

“Dadka degmadan ku nool dhibaato ayay ku qabaan baallooyinka dhaxmara waddooyinka ee u dhaw goobaha bulshada ay adeegsadan marka roobku uu da’o“ ayuu yiri Axmed Karbaash.

Maamullada Shirkadaha Korontada ayaa inta badan loo jeediyaa eedaha ah in aysan ka fakarin qorsha ay kaga hortagayaan qataraha ka dhalan kara koronta marka lagu jiro waqti roobaadka.

Somalia ayaan lahayn heerar lagu cabbiro badbaadada adeegyada kala duwan (safety standards), taasoo dadka u nuglaysa shilal badan oo noocan oo kale ah.

Hadalsame Media