DAAWO: Pakistan oo markale tijaabisey gantaal CASRI ah oo ay iyadu farsamaysay!

0

(Islamabad) 25 Abriil 2019 – Pakistan ayaa soo bandhigtay gantaal ay iyadu farsamaysay oo markab dile ah sidoo kalena dhul ka cir ama cir ka dhul loo adeegsan karo oo ah nooca cruise loo yaqaanno, kaasoo ay ku tijaabisey Badwaynta Hindiya.

Tijaabadan ayaa qayb ka ah istaraatijiyadda cusub ee ay Islamabad ku doonayso inay yeelato hub badan “oo ay iyadu samaysatay.”

Gantaalkan, oo laga soo ridey dayuurad ayaa lala helay bartilmaameedkii loo cayimay dhanka woqooyi ee Badwaynta Hindiya, sida ay sheegeen Ciidamada Badda Pakistan.

Pakistani Navy oo tijaabadan ku tilmaamay “bandhig ay ku muujinayaan cududdooda,” ayaa sheegay inay tani qayb ka tahay “wax soo saar ku aaddan hub heer sare oo ay Pakistan farsamaysay,” si ay isugu fillaadaan.

Ma aysan sheegin moodalka gaarka ah ee gantaalkan oo sidoo kale loo adeegsan karo bartilmaameedyada badda oo dhan.

Halkan hoose ka daawo Cruise nooca gujisyada laga tuuro ah oo ay Pakistan farsamaysay, horayna u tijaabisey.

Hadalsame Media