DAACADNIMO DULEESHA: Xildhibaanno kulan aad loo dhaliilay la qaatay Danjiraha UK (Sababta ay kulankaa u cuskadeen oo kasii daran!)

0

(Muqdisho) 25 Abriil 2019 – Qaar ka mid ah Xildhibaannada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa haysta dhalashada dalka Britain ayaa waxaa ay Magaalada Muqdisho kula kulmeen Danjiraha Dowladda UK ee Soomaaliya.

Labada dhinac oo uu kulankoodu ka dhacay Safaaradda UK ee Mugdisho ayaa sida la sheegay looga arrinsaday ”xaaladda guud ee Soomaaliya”, kaalmada ay UK siiso Soomaaliya, sida ay u wada shageyn karaan labada dal iyo waxyaabo kale oo la mid ah.

SU’AAL KA TAAGAN BAAHIDA KEENAYSA KULANKAN

Ma aha markii ugu horreeysey oo ay rag sheeganaya inay Xildhibaanno u yihiin Somalia ay shafka ku qaadaan Danjireyaal shisheeye iyagoo sheegaya inay dhalashada dalkaa haystaan, laakiin arrintaa ayaa dhadhan qaraar ku reebta dadka Soomaaliyeed oo ay xitaa ku jiraan qurba-joogta waxgaradka ah.

Baarlamanka Dhexe ee Soomaaliya wuxuu leeyahay Guddi Hoosaad u qaabilsan Arrimaha Dibedda oo xaq u leh inuu arrimahan kala hadlo Xukuumadda Dhexe, balse marka uu Xildhibaan meel la istaago inuu haysto dhalashada dal kale ee uu weliba u bareero inuu la kulmo diblomaasi shisheeye oo dalkaa ka socda, waxaa xaqiiqo ah inay daacadnimadiisu qaybsan tahay wixii uu sarkaalkaa shisheeye kala hadlaana waa wax halis ku noqon kara AMAANKA QOOWMIGA ah iyo DANAHA dalka Soomaaliya.

Tan kale, Soomaaliya waxay leedahay hay’aad ku qaybsan Arrimaha Dibedda oo ka tirsan qaybta fulinta sida Safaarado, Wasaarad Dibadeed iyo Xiriir Caalami, sidaa darteed, ma jirto baahi uu Xildhibaan doorkaa u ciyaaro, isagoo weliba la hadlaya dal go’aamadiisa saamayn kara oo ay dani uga xiran tahay.

Waxaa kale oo ay meel ka dhac ku tahay qabka iyo kala gaarnimada Soomaaliya iyo dalka uu qofkaasi dhalashada ka haysto oo u muuqanaya laba dal oo uu hal Xildhibaan ka dhexeeyo.

SOO JEEDIN:

Waloow Soomaaliya haatan sharci ahaan laga ogol yahay inuu qofku laba DHALASHO haysto (dual citizenship), waxaa ma huraan ah inuu qofku ku baraarugsanaado waxa loo yaqaanno door ciyaarka (role playing), oo marka uu yahay Xildhibaan Soomaaliyeed uu ixtiraamo xilkaa oo aanu u dhiibanin dalka uu sheegayo inuu dhalashada ka haysto, balse ah xil qaran oo leh qab iyo maamuus gaar ah.

Baarlamanka Dhexe waa inuu arrimahan yaqyaqsiga leh ee soo noqnoqonaya iyo waxyaabo badan oo fara badan oo foowdo ah war cad iyo xeer hoosaadyo kasoo saaraa, qofkii ku xad gudbana lagu qaadaa.

Ugu dambayn, waa in marka dambe shacabka Soomaaliyeed laga qaadaa afti ku aaddan inuu xil qaban karo qof haysta laba dhalasho, si looga fursado danaha is diiddan.

Inta taa laga gaarayana waa in dadka labada dhalasho haysta haddii aan walba la horaynin laga soo xushaa kuwa lagu yaqaanno qiyamka qofnimo iyo dhowrista danaha qaranka Soomaaliyeed dhalasho kasta oo ay haystaan.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media