Raggii dejiyay dagaal lagu qaaday dalal ay Somalia ku jirto oo kusoo noqday Aqalka Cad (Dagaal cusub oo ay u qiil deyayaan)

0

(New York) 25 Abriil 2019 – Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa laga yaabaa inuusan isagu dagaal doonaynin, sida uu qabo Wasiir Dibadeedka Iiraan ee Javad Zarif, yeelkeede, wuxuu gacanta ugu jiraa kooxda yar ee dafaaniga ah ee Muxaafidiinta Cusub, oo u qoondeeyay inay geliyaan dagaal si ”kas ah” loo abuurayo (false flag).

“Kuwa naqshadeeyay qorshaha siyaasadeed ee uu iminka cayrsanayo ma aha kuwo wada hadal doonaya,” ayuu Zarif u sheegay Reuters oo waraysatay.

Zarif ayaa sheegay inay jirto koox isku xiran oo halis ah oo uu ku tilmaamay “B-team” – waa Wasiir Dibadeedka Maraykanka, Mike Pompeo, La Taliyaha Trump ee Amaanka Qaranka ee John Bolton, iyo RW Yuhuudda Benjamin Netanyahu – oo uu sheegay inay “qorshaynayaan dhagar” iyo dhacdo shil loo ekeeysiinayo si dagaal loo bilaabo.

Iiraan khilaaf dooni mayso, balse marna kama laba-labaynayso inay is difaacdo,” ayuu yiri Zarif oo sheegay in uu Maraykanku “isu diyaariyo cawaaqibta” haddii uu isku dayo inuu Iiraan ka hor joogsado inay iibiso saliideeda.

“Waxaan PhD ka haysannaa sida loogu noolaado cunaqabatayn. Waayo marka laga reebo muddo aad u koobnayd oo aanu heshiiskii JCPOA la galnay MW Barack Obama, Iiraan waxaa saarnayd cunaqabatayn Maraykan marka la eego sanadihii dambe oo dhan,” ayuu Zarif xusuusiyay Maraykanka.

Kooxdan B-Team ama Neocons ayaa ah isla raggii ka dambeeyay weerarrada is xigey ee la qorsheeyay in lagu qaado dalal badan oo Muslim ah sida Ciraaq, Afghanstan, Suudaan, Syria, Libya, Somalia iwm, iyadoo la adeegsanayo halku dhegga ”la dagaallanka argagixisada” oo aysan dalalkaasi wax qiil ah oo toos ah badiyaa ku lahayn.

Tusaale ahaan, Pompeo oo horay u ahaa Agaasimihii CIA ayaa farta lagu fiiqaa inay dalal badan ka fuliyaan afgembiyo, dilal qorshaysan, hubaynta jabhado ay qaar diimeed ku jiraan iyo weerarro toos ah.

Hadalsame Media