Somaliland oo sii daysey haween Soomaali ah oo arrin la yaab leh darteed u xirnaa!

0

(Hargaysa) 24 Abriil 2019 – Labada haween ah ee reer Canada, ayaa la sii daayey  Salaasadii shalay, iyaga oo wejahayey ciqaab sida ay sheegayaan  ilo wareedyo   aanu helnay .

Maymuuna Cabdi oo 28 jir ah iyo Kariima  Watts  oo 24 jir, ayaa boolisku ay xidheen 19  bishii Janaayo  ka dib markii ay galeen  gurigooda  oo ku yaalla Hargeysa sida uu sheegay garyaqaanka u doodayey Mubaarak  Maxamuud Cabdi.

Labada dumar ah oo ka soo jeeda  magaalada Ottawa, ayaa lagu eedeeyay in ay khamri ku cabayeen  gurigooda, khamriga ayaa sharci daro ka ah Somaliland.

 Jaysoon Jeeramiyaas (Jason  Jeremias) oo u dooda xuquuqda aadamaha oo fadhigiisu yahay New York, waxa uu sheegay in Maymuuna Cabdi ay u joogtay  Somaliland sidii ay u caawin lahayd  haweenka  lagula  ka tacadiyada jinsiga  ku dhisan .

Garyaqaankoodu waxa uu sheegayaa in uu rejo ka qabo in ay ka badbaadaan xabsi, laakiin waxa lagu xukumay 10 bilood.

Dacwada oogayaasha, ayaan maxkamada ka hor cadeyn in ay isticmaaleen maandooriye  sida uu  garqayaanku sheegay.

Qoraal ay soo saartay Fahiima Xasan oo ah hooyada Maymuuna Cabdi, waxa ay  ku sheegtay in Maymuuna  iyo Kariima ay yihiin saaxiibo ku soo wada korey Ottawa, Kariimana ay noqotay gabadhooda oo kale kaddib markii ay geeriyootay hooyadeed.

Ayaan Maxamuud oo ku magacaaban wakiilka Somaliland u qaabilsan Ingiriiska iyo barwaaqo sooranka ,ayaa sheegtay in ciqaabta noocani ah ay Somaliland ka tahay naadir.

Canada waxa ay muwaadiniinteeda ugu baaqday in ay ka taxadiraan in ay u socdaalaan Soomaaliya oo khatarta aragagixisada gudahu tahay mid sarraysa.

Xafiiska arrimaha calaamka, ayaa ka war haya in la sii daayay laba qof oo u dhashay Canada.

Hadalsame Media