Sarkaal sare oo Shabaab kasoo baxsaday & ilaaladiisii oo Muqdisho laga dejiyey

0

(Muqdisho) 24 Abriil 2019 – Saraakaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab ayay Dowladda Federaalka  Soomaaliya ku guulaysatay in ay ka soo dejiso Magaalada Muqdisho kaas oo la sheegay in uu ka soo goystay  kooxdii uu ka tirsanaa.

Aadan Cabdi Maxamed Aadan Coobbe ayaa diyaarad gaar ah  loogu soo qaaday  degmada Baardheere ee  gobolka Gedo halkaaas oo uu  ka dhacay wada hadalkii uu isku dhiibay.

Waxa la socday sarkaalkan  nin kale  oo ilaalo u ahaa, waxana uu Degmada Baardheere uu ku  yimid  gaari   nooca Suzuki ah

Degmada Bu’aale oo ah meel ay ku xooggan yihiin Al Shabaab ayuu sarkaalkani ka yimid, halkaas oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay, waxana markii dambe la wareegtey Hay’adda NISA.

Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in sarkaalkani uu mudo wada hadal uu kula jiray maamulka gobolka.

Hadalsame Media