DEG DEG: Madaxwaynaha Somalia & wefdi uu hoggaaminayo oo ka degey Casmara + Sawirro

0

(Casmara) 24 Abriil 2019 – Waxaa goor dhowayd magaalada Casmara ee caasimadda Eritrea ka degey Madaxwaynaha Somalia Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Lama sii ogayn booqashadan ilaa iminkana Villa Somalia kama hadal ujeedkeeda, balse Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane G Meskel, ayaa sheegay inay tahay booqasho shaqo.

Madaxwayne Farmaajo oo uu wehlinayo Wasiirka Waxbarashada Somalia iyo saraakiil sare oo kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay MW Esaias Afwerki iyadoo loo gelbiyay Madaxtooyada dalkaasi.

Lama oga muddada ay qaadan doonto booqashadan iyo ajendayaasha lagu soo qaadi doono toona.

MW ayaa ku maqnaa dalka Masar oo uu uga qayb gelayey kulan aan caadi ahayn oo uu Midowga Afrika ka yeelanayay xasaradda Suudaan.

Hadalsame Media