DAAWO: Dad aan waxba galabsan oo loo qabqabtay dilkii & kufsigii Caa’isha + Sawirro (Mid mid aannu u dul istaagno)

0

(Gaalkacyo) 24 Abriil 2019 – Shalay waxaa magaalada Gaalkacyo ciil, caloolyoow iyo cadaalad darro darteed iskaga guurey qoyskii Caa’isha Ilyaas oo bishii Febraayo iyadoo saqiir ah lagu kufsaday deetana lagu diley magaalada Gaalkacyo.

Yeelkeede, meeshii cadaalad laga sugayey ayaa waxaa ka timid jahawareer, musuq iyo marin habaabin lagu weecinayo seefta toosan ee cadaaladda.

Waxaa la sheegay in falkaa foosha xun ee qabiixa ah loo qabtay 8 qofood oo marna 2 la geeyay marna 6 la geeyay magaalada Garoowe, iyadoo sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ay sheegayaan in xitaa Maxkamaddii Degmada Garoowe iminka la xirey.

WAA AYO DADKA LA XIREY?

Dadka la qabqabtay ayaa la sheegay inaysan ahayn dadkii falka gurracan gaystey, iyadoo la sheegay in Gaalkacyo laga dhoofiyay nimankii dhibka gaystey oo ah dad la yaqaanno.

Sida uu sheegay weriye Cali Xaraare oo arrintan u kuur galay, 3 wiil oo iminka xiran waxaa la sheegay inay gabadha qaraabo la ahaayeen oo ay Burtinle uga yimaadeen inay aaska gabadha ka qayb galaan.

Nin kale oo ka mid ah dadka xiran ayaa la sheegayaa inuu yahay qabuura qode ay nimankii falka gaystey u weceen inuu maydka gabadha aaso, deetana markii uu maqlay inay tahay gabar weli nool diidey oo maamulka u sheegay arrinta.

Waxaa kasii daran wiil macallin ka ahaa jaamacado ku yaalla magaalada, wiilka oo lagu magacaabo Farxaan Cabdi Siyaad Cumar ayaa kusoo hirtey walaalkii oo isna maamule ka ah meesha, waxaana dhacday inuu kaliya degganaa xaafadda ay deganaayeen qoyska gabadhu.

3-da qof ee kale haybtooda wax war ah kamaynaan helin, waloow aannu weli ku raad joogno.

Arrintan ayaa noqonaysa cadaaladdii oo wejiga lagaga candhuufayo, iyadoo weji gabax ku noqonaysa qof kasta oo mas’uul ka sheeganaya halkaasi.

Hadalsame Media