Xiriirka FA-ga Ingiriiska oo Muslimiinta dartood u laalay dhaqan ka jirey garoomada + Sawirro

0

(London) 24 Abriil 2019 – Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska ee FA ayaa baabi’in doona dhaqanka ku salaysan in khamriga champagne-ka lagu abaal mariyo laacibiinta hanta koobka FA Cup si loo xushmeeyo diimaha ay aaminsan yihiin.

Xiriirka FA ayaa dhaqan u lahaa inuu Khamri siiyo kooxda koobka hanata isagoo ula jeeda hambalyo ku aaddan libta ay gaareen.

Yeelkeede, kaddib wada xaajoodyo hoose oo ay arrintan ka yeesheen wuxuu FA-gu gebi ahaanba ka guuri doonaa aragtidaas, si loo ixtiraamo laacibiinta ay diintoodu mamnuucayso isticmaalka aalkolada iyo khamriga sida Muslimiinta.

Laacibiinta Muslimiinta ah ayaa ugu horreeya kuwa ay diintoodu sida adag u xaaraantinimaynayso cabista iyo ka ganacsiga khamriga.

Waxaa kale oo jira laacibiin da’yar oo ka mid ah kooxaha kubadda cagta oo aan Muslim ahayn, balse aan gaarin da’da sharciyan loo ogol yahay cabista khamriga, marka la eego xeerarka Galbeedka.

Hadalsame Media