MUNIIRA CABDULLAAHI: Waxay isu dhigtay dhaawac wiilkeeda gaari lahaa, balse waxaa iyada gaarey dhaawac ay koomo ugu jirtey 27-sano + Sawirro

0

(Abuu Dabeey) 24 Abriil 2019 – 27 sanno kaddib ayey hooyo Muniira Abdallah ka baxday koomadii ay gashay sanadkii 1991-kii.

Waqtigaas dalka UAE ay ku sugnayd ayaa shil gaadhi ay galeen iyada iyo wiilkeeda Cumar oo da’diisu ahayd afar jir, markii shilka dhacay hooyadii wiilkeeda ayey bad-baadisay oo isku duubtay si aan dhibaato/dhaawac u gaadhin, balse iyada ayaa dhaawac culus oo maskaxda ahi soo gaadhay, kaas oo sababay inay koomo gashay muddo ku siman 27 sano.

Todobaadkan ayey markii u horaysay hooyo Muniira Abdallah hadashay, iyadoo ku dhawaaqday magaca wiilkeeda ee Cumar, shakhtar dalka Jarmalka ku yaala iyadoo taala, koomadiina ka baxday.

Xaaladeeda caafimaad ayaa aad uga soo roonaanaysa. Warbaahintuna waxay qaadaa-dhigaysaa marxalado adag oo ay hooyadani ka soo gudubtay, Dhakhaatiirtuna waxay fadlan-qaynayaan duruusta laga baran karo Bukaankan.

Cumar oo hada 31 jir ahina wuxuu farxada la wadaagayaa Hooyadii, wuxuu yidhi “Waxaan sheekadan caalamka ula wadaagayaa in aynaan is dhiibin oo aynaan ka quusan kuwa aynnu jecelahay marka ay ku jiraan xaaladaha adag.

”Hubaal waan ogaa inay Hooyaday maalin koomada ka baxi doonto oo ay ila hadli doonto, mar walba dareenkaas wuu igu jiray.” ayay raacisay.

Waxaa Diyaariyey: Sadaam Maxamed

Hadalsame Media