DAAWO: ”Siyaasi ma aha nin hankiisu yahay KURSI doon oo kaliya” – Cabdi Qaasim + Sawirro

0

(Qaahira) 24 Abriil 2019 – Waxaa magaalada Qaahira ee carriga Masar ku kulmay Madaxwaynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee dalka Somalia Md C/Qaasim Salaad Xasan iyagoo isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin mucaaradka dowladda ee dhowaan ku shiray magaalada Nairobi.

Md Cabdi Qaasim oo ah siyaasi mar kasta muujiya lexe jeclo uu dalka u qabo ayaa dhallinta Soomaaliyeed kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan danaha dalka iyo dadka isagoo kuwa dalka hagar daamaynaya ugu baaqay inay Alle ka baqaan.

“Siyaasi maahan midka kursi doonka ah, dhallinyarada Soomaaliyeed horayna waan ula hadlay haddana waan la hadlayaa dadka iyo dalka haloo adeego”. ayuu ku dardaarmay Md Cabdi Qaasim.

“Sida aan uga xumahay dhibaatada dalka heysata iyo baabi’inta dadka lagu hayo ayaan ka wada hadalnay aniga iyo madaxweyne Farmaajo” ayuu daba dhigay.

Halkan hoose ka dheeho warka Cabdi Qaasim Salaad….

 

Hadalsame Media