IGAD oo soo dhowaysey arrin ay Somalia horumar ka samaysay (Soo jeedin cusub)

0

(Addis Abeba) 24 Abriil 2019 – Urur Goboleedka IGAD ee Bariga Afrika ayaa soo dhoweeyay aqoonsiga Baasaboorka shaqo iyo midka diblomaasiyadeed ee Somalia ka timid dhanka Belgium.

Maxbuub Macallin oo ah Xoghayaha Guud ee IGAD ayaa tillaabadan ku tilmaamay mid muujinaysa kalsoonida sii kordhaysa ee ay dowladda Somalia ku qabto beesha caalamku, sida uu yiri.

Wuxuu sheegay inay arrintani kobcinayso xiriirka Somalia iyo Belgium isla markaana ay Somalia ka caawinayso sidii ay ula macaamili lahayd hay’aadka Midowga Yurub iyo kuwa caalamiga ah ee fadhigoodu yahay magaalada Brussels oo ah caasimadda diblomaasiyadda qaaradda Yurub.

Maxbuub ayaa rajeeyay in aqoonsiga Belgium uu intaa sii dhaafi doono oo uu gaari doono baasaboorrada dadka caadiga ah ee Soomaaliyeed sitaan.

“Waxaan dhiirri gelinaynaa inay dalalka kalena aqoonsadaan baasaboorka Somalia, isla markaana dadka Soomaaliyeed ee sita loo fududeeyo hanaannada fiise helidda,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay IGAD.

Hadalsame Media