DAAWO: Shiinaha oo isugu yeerey ciidamada BADDA adduunka si uu cududdiisa u tuso + Sawirro

0

(Qingdao) 24 Abriil 2019 – Shiinaha ayaa soo bandhigay cududdiisa badeed jeer ay ciidamadiisu u xafladaynayaan sanad-guuradii 70-aad ee kasoo wareegtey markii la dhisay.

Ciidamada Badda Shiinaha oo aad u kobcayay dhowrkii toban sanaale ee tegey ayaa kuwii ugu badnaa lagu soo rigeeyay dekedda wayn ee magaalada Qingdao, iyo xeebo kale oo dalkaa ka tirsan.

Munaasabaddan oo ay kasoo qayb galeen saraakiil ka kala socotey 60 dal oo caalamka ah, ayaa waxaa lagu soo bandhigay ilaa 32 doonyood oo kuwa dagaalka ah iyo 40 dayuuradood.

Sidoo kale ilaa 20 markab ayaa kasoo qayb galay kuwaasoo ay kala leeyihiin dalalkii kasoo qayb galay munaasabaddan, kuwaas oo ay ku jireen dalalka Russia, India, Vietnam iyo Thailand.

Shiinaha ayaa iminka ku qalabaysan maraakiib ay qaarkood dayuuradaha xambaaraan, dayuuradaha raadaarka ka dhuunta iyo bambarrada istaraatijiga ah oo ridi kara gantaalaha guuxooda ka dheereeya.

Hadalsame Media