MAN UTD VS MAN CTY: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Manchester) 24 Abriil 2019 – Manchester United iyo Manchester City caawa dib u shidaya shuclada coltanka ka dhexeeysa marka ay ku murmaan garoonka Old Trafford, wax noqon doona ciyaartii 106-aad ee Derby Manchester.

Dhanka Man U: Kooxda Manchester United oo mar la is yiri waxaa soo nooleeyay Ole Gunnar Solskjaer, ayaan laga badin muddo ku dhow 3 bilood ah dhanka Premier League, kaaga darane soo kabashadii PSG ee UEFA Champions League ayaa dad badan ka dhaadhicisay in dib loo arki rabo kooxdii mar la loodin la’aa.

Yeelkeede, guushaa PSG marna falxad uma noqon Manchester United, oo iminka laga badiyey 6 ka tirsan 8 kulan oo ay dheeshey, waxaa ugu dambaysay 4-0 bahdil ahayd oo ku gaartey gacmaha Everton.

Dhanka Man C: Dhanka Manchester City, riyadii afarta koob waxaa daruuraha kasoo tuurtay kooxda Tottenham Hotspur oo CL kasoo cayrisey, yeelkeede, waxaa weli u suuragal ah seddexleey maxalli ah.

Wiilasha Pep Guardiola oo Watford la taagan FA Cup final, ayaa Manchester United caawa u arka caqabadda ku hor gudban inay hantaan Premier League, waloow aysan niyad xumayn maadaama ay 1-0 uga aarsadeen isla Tottenham todobaad dhamaadkii.

SHAXDA LAGA YAABO EE LABADA KOOXOOD:

Man Utd (4-3-3): de Gea; Dalot, Smalling, Lindelof, Shaw; McTominay, Fred, Pogba; Lingard, Lukaku, Rashford

Man City (4-3-3): Ederson; Walker, Kompany, Laporte, Mendy; Bernardo Silva, Fernandinho, David Silva; Sterling, Aguero, Sane

Hadalsame Media