”Waxaan haysannaa qorshe labaad!” – Turkiga oo muujiyay inuusan ka welwelsanayn hanjabaadda Maraykanka + Sawirro

0

(Ankara) 24 Abriil 2019 – Turkiga ayaa sheegay in haddi loo diido dayuuradaha F-35 oo uu Maraykanku sameeyo, ay bidaalkooda meel kale ka helayaan, sida uu sheegay Wasiir Dibadeedka dalkaasi.

Maraykanka ayaa ku hanjabey inuu laali karo qorshe dayuuradahaa casriga ah loogu daabuli lahaa Turkiga oo horay u dalbaday, kaddib markii uu Turkigu Ruushka la galay heshiis uu kusoo qaadanayo gantaalaha S-400.

Wasiir Dibadeedka Turkiga ee Mevlut Cavusoglu ayaa hoosta ka xarriiqay in dalkiisu uu ikhtiyaaraad kale haysto hadii buu yiri ay Washington ay ka dhabeeyso hanjabaadda ku salaysan in aan Turki laga iibin dayuuradaha raadaarka ka dhuunta ee F-35.

“Waxaannu horraanba ka mid nahay dalalka jaalka la ah mashruuca farsamaynta F-35, waxaana bixinnay lacag fara badan,” ayuu yiri Cavusoglu.

“Dhibna ilaa iminka ma jiro, balse haddii xumeey gaarto, waa in aannu baahideenna ku qancinnaa meel kale oo aannu ka heli karno tiknolojiyadda ugu wanaagsan,” ayuu ku falax gooddiyey.

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Hulusi Akar, ayaa horay u sheegay inay haystaan “qorshe labaad” haddii uu burburo heshiiska Maraykanku.

Turki ayaa haddii xaalku xumaado, ku tashanaya inuu iibsado dayuuradaha Su-35 oo uu Ruushku sameeyo oo ah kuwo u dhigma kuwa F-35.

Hadalsame Media