”Hubka qaata ee iska celiya CAWAANTA!” – RW Xigeenka Talyaaniga oo war uu sheegay la isku haysto!

0

(Roma) 23 Abriil 2019 – Muran ka dhashay sawir uu Salvini gacanta ku haysto qorayga Mitra oo la soo dhigay baraha bulshada.

Matteo Salvini oo ah RW Xigeenka ahna Wasiir Gudeedka Talyaaniga ayaa boggiisa Facebook ku soo qoray sidan:

”Is hubeeya si aad uga hortagtaan weerarada cawaanta.” Qoraalkiisa iyo sawirkaba waxaa ka falceliyey siyaasiyiin iyo dadwayne caadi ah.

Luca Morris ayaa ku dooday in warka si khaldan loo dhigay baraha bulshada si loo ”wasakheeyo sumcadda xisbiga” Lega Nord iyo hogaamiyahooda maadaama ay soo dhowdahay doorashada Midowga Yurub.

Roberto Saviano oo ah qoraa maafiyada wax ka qora ayaa isna yiri “tani waa handadaad ka dhan ah dimoqraadiyadda, waa ku boorrin dadka lagu dhiiri gelinayo faldembiyeedyo, waan cambaaraynaynaa.”

Haweenayda xoghaye xigeenka ka ah xisbiga Dimoqraadiga PD waxay tiri ”Salvini waa nin iska ciyaaraya”

Fratoiani oo ka mid ah hoggaamiyayaasha xisbiyada bidix ayaa isna waxa uu sawirkan Salvini ku tilmaamay farriin hanjabaad ah.

Salvini ayaa lagu dhaliilay inuu aaminsan yahay in Yurub lagu difaaci karo hub ay dadku qaataan oo qura, isagoo aanba maalinna waxba ka qabanin falalka maafiyada.

Salvini ayaa ah nin lagu tiriyo inuu yahay qoowmi cunsuri ah oo aad u neceb dadka soo galootiga ah iyo qaxootiga, iyadoo uu warkani kuwaa ku ligan yahay.

Waxaa Diyaariyey: Yuusuf Cali Maxamed

Hadalsame Media