Nin SUNTA shilinta cabey kaddib markii ay xaaskiisu telefoonka ku dhegeysatey!! (Maxaa dhacay?))

0

(Kawuor) 23 Abriil 2019 – Nin ku nool beesha Kawuor Location oo ka tirsan Rachuonyo East Sub-County oo hoos tagta Homa Bay County ayaa isa sumeeyay xalaytoole kaddib markii sida la sheegay ay xaaskiisu telefoonka ku dhegeysatey.

Erick Ooko oo 31-jir ah ayaa la sheegay inuu cabey sunta cayayaanka nooca Triatix oo loogu tala galay in lagu dilo muqlaha iyo shilinta.

Shilka ayaa ka dhacay xaafaddiisa Kadie Village oo ka tirsan Kawuor Location.

Sida uu sheegay taliyaha Booliiska Kawuor Location, Samuel Oloko, Ooko wuxuu cabey laba dhalo oo Triatix ah kaddib markii ay xaaskiisu telefoonka ka qaaban waydey xalay fiidkii.

Oloko ayaa intaa daba dhigay in xaaska Ooko oo la fahamsan yahay inay odaygeeda is qabteen ay horay u ogolaatay inay soo guryo noqonayso Arbacada berri ah, balse markii dambe ee uu wacay marna telkiisa kama jawaabin.

Ooko ayaa isla maalinta uu is dili doono waalidkii u sheegay in uu aadayo magaalo u dhow si uu xaaskiisa maqan uga soo qaado lacag ay xaaskiisu bas kusoo raacdo, balse markii ay dhegeysatey qol ayuu isku xirey kaddibna wuxuu cabey sunta dulinka, isagoo isla goobta ku dhintay.

Wuxuu iminka maydkiisu yaallaa qaboojiyaha Rachuonyo Sub-County Hospital, isagoon wax dardaaran ah ka tegin.

Hadalsame Media