FAALLO: MW FARMAAJO & RW KHAYRRE HAL BAAN LEEYAHAY!!!

0

(Hadalsame) 23 Abriil 2019 – Waxaan leeyahay horta idinkaa buuqa abuurta hadana diida bulaanka, Sababtoo ah hadaad mucaaradkiina, Axsaabta Siyaasadda,iyo Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya u ogolaan laheydeen iney Hoteelada Muqdisho ku shiraan maanta Rag badan oo aan wanaag iyo dowlad jeceyl ku tuhmayo kuma shireen Nairobi kumana biireyn Mucaarad aad fagaare ku kala tagteen.

Tankale Mucaaradnimadu ma aha wax xun ee waxyaabaha dhisa dowladnimada hadii aaney dalka qatar ku aheyn, waxaadna moodaa Mudanayaal inaad idinku qiimo iyo macna kaloo weyn oo aysan lahaan laheyn aad maanta u sameyseen.

Hadaad marka tiraahdaan Siyaasiyiin naga soo horjeeda dalka kuma shiri karaan, bulsho dhibaato ay qabto ka cabaneysa ma banaanbixi karaan, Shacabkii aad wadooyinkii oo dhan ka xirteen oo aydnaan daraasadeyn jidadka la xiray maxey culeys ah oo bulshadu ku qabtaa bal si markaa aad qaab kale wax ugu xalisaan.

Saxaafaddii aad albaabada ka xirateen oo aydnaan xogtiina iyo hadafyafiina bulshada la wadaageyn, doodo iyo hadalo kalsooni ka muuqato oo dood bulsho aydnaan bulshada la hor imaaneyn.

Madaxdii Maamul Goboleedyadana aan la socono in sanad ku dhawaad aysan farahiinu isgaarin, xal ama xasilooni Siyaasadeed oo kale oo aad ku wajaheysaana uusan idinka soo socon In la kala aamusnaado ama aad qeyb jeebka ku heysataan mooyee, waqtiguna uu idin kulaalayo oo waxa idiin haray iyo howlaha idin horyaala ay yihiin kuwa aad u kala culus.

Sow waxa ka dhalan kara maaha waxa aan hada ujeedno oo ah in Madax Goboleedyadii cabashadoodii ay idinka gudubtay una gudubtay beesha caalamka, Mucaaradkii iyo saamileydii Siyaasaddu ay shirarkooda dibadda ula baqdaan, iyo in shacabkii aad wadooyinka ka xirteen inkaar idinla daba taagan yihiin waa soo beryaba.

Talada waxaa la yiri Adigaa ku noole iyadu kuguma noola,hada waxaan idinkula talin lahaa:

1 – Inaad 2-da Sano oo wax dhiman ee idiin haray aad wax weyn ka bedeshaan habdhaqanka ku dhisan wax la igama sheegi karo iyo cidii aan iskhilaafno albaabada halaga xirto, oo aad u ogolaataan oo weliba si cad uu MW ama PM u sheego in Mucaaradkiinu ay si dimoqraadiya shirarkooda ugu qabsan karaan Gudaha wadanka,

2 – In aad yareysaan culeysyada shacabku ku qabo wadooyinka xiran.

3 – In aad Madaxda Maamul Goboleedyada hor fadhiisataan oo talada dalka wax ka siiyaan.

4 – Inaad cid kasta oo aad tabashadooda wadahadal iyo daabacsanaan ku xalin kartaan aad idinku baadi goobtaan una tanasushaan waxbadan inta aan ka aheyn dadka hadafkoodu yahay in dowladda la dumiyo oo kaliya.

Hadii kale waxaa imaan doonta maalin waqtiguna idinka dhamaaday howl weyn oo masiirka umadda Soomaaliyeed ahina idin hortaal oo u baahan in wadajir wax looga qabto taladana la idinla wadaagi doono iyadoo dowladnimada loo siman yahay.

WAXAAD MAANTA BI’ISAAN, BIRI HA U SHALAAYINA.!!

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media