DF Somalia oo sheegtay nooca ay tahay dhaliisha ay dhegeysanayso!

0

(Muqdisho) 23 Abriil 2019 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in diyaar ay u tahay in wada hadal ay la gasho siyaasiinta mucaaradka ah ee diidan hannaanka dowladda hada ay wax u wado.

Isagoo ka hadlayay shir siyaasiin  mucaarad ah ay ku yeesheen magaalada Nairobi ayuu sheegay Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle in la joogo waqtigii siyaasiintu ogaan lahaayeen danaha ummada Soomaaliyeed.

Wasiir daahir Maxamuud Geelle  ayaa  yiri ‘’ Siyaasiintu waa in ay dhimaan orodka mucaaradnimada ee ay ku  jiraan.’’

”Dal iyo dibed kii aad joogtaanba taladiinna waa la qaadanayaa, balse waa in ay noqotaa talo togan oo ka timid mucaarad quman.” ayuu raaciyay.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka in dowladdu ay diyaar u tahay in ay tixgaliso siyaasiinta Soomaaliyeed .

Xubno siyaasiin ah oo ku shiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa  ku eedeeyay Dowladda Federaalka in ay gabtay howshii loo igmaday.

Hadalsame Media