DF oo qorshe amaan oo ballaaran u diyaarisay bisha Ramadaan (Ciidamo astaamo gaar ah leh oo la diyaariyay)

0

(Muqdisho) 23 Abriil 2019 – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ammaanka Magaalada Muqdisho lagu wareejin doono  Saddax  kun oo askari oo ka mid ah ciidanka Dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng: Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in hada tababar uu u soo gaba gaboobay  askartan oo bari taari doona amaanka si shacabka Muqdisho si nabad gal ah ay ugu soomaan Bisha Ramadaan.

”Askartan waa kuwo leh akhlaaq ama anshax kana madaxbanaan balwad.’’ ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho Eng: Yariisow.

Guddoomiye Yariisow ayaa xusay in ciidanka Booliska diyaarintooda ay  barbar socotay qorshe lagu darasaynayo degmooyinka magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan sheegtay in ay qaadi  doonto talaabo kasta oo ay ku sugayso amaanka shacabka Muqdisho.

Hadalsame Media