”Shacabka Soomaaliyeed waxay garab istaag & hiillo u muujinayaan walaalaha Suudaan”

0

(Qaahira) 23 Abriil 2019 – Madaxda dalalka Afrika oo uu ka mid yahay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka Masar  uga qyab galaya shir looga hadlayo xaalada dalka Suudan.

Shirkan waxa abaabulka lahaa Madaxwaynaha  Dalka Masar CabdiFataax Al Siisii ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika

‘’Shirkan uu ka qayb galayo Madaxweynaha  Jamhuuriyada Fedeeraalka waa mid shacabka Soomaaliyeed ay ku garab istagayaan walaalaheena  reer Suudan.‘’ sidaas waxa sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.

Madaxweyne Farmaajo inta uu ku sugan yahay Masar waxa uu kulamo halkaas uu kula qaadan doonaa madax kala duwan sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda.

Madaxwayne Farmaajo ayaa shalay si deg deg ah uga ambabaxay magaalada Muqdisho si uu uga qayb galo shirkan looga  hadlayo xaalada Sudan.

Hadalsame Media