Jabuuti oo dhisanaysa garoon ka mid ah kuwa ugu casrisan Geeska Afrika + Sawirro

0

(Jabuuti) 22 Abriil 2019 – Bankiyo badan oo reer Yurub ah ayaa wada hadal kula jira dowladda Jabuuti si ay u maalgeliyaan garoon casri ah oo dalkaa laga dhisayo, kaddib markii ay Jabuuti baabi’isay qandaraas ay siisay China Civil Engineering Construction Corp.

Bankiga Horumarinta Jarmanka ee KfW, ayaa hoggaaminaya bankiyo amaah laga qaato oo ka baaraan degaya inay bixin karaan $420 milyan oo doollar oo lagu maalgeliyo mashruucan, sida uu sheegay Guddoonka Dekedaha iyo Suuqa Xorta ah ee Jabuuti Md Aboubaker Omar Hadi.

Tiiyoo aan weli wax heshiis ah laga gaarin arrintan isla markaana aan la dooranin meesha laga dhisayo, waxaa soconaya wada xaajood “marxalad horaadkii weli ku jira,” sida uu sheegay afhayeen u hadlay KfW, Dela Strumpf, kaas oo ka gaabsaday faahfaahin dheeraad ah.

Djibouti, oo ku taalla mid ka mid ah wadiiqooyinka ay maraan shixnadaha adduunka, isla markaana ilaa iminka leh 6 dekedood ayaa doonaysa inay ka faa’iidaysato istaraatijiyaddeeda.

Dalkan oo ka yar gobolka Massachusetts ee woqooyi bari Maraykanka, ayaa waxaa saldhigta ciidamada ugu badan ee Maraykanka ka jooga Afrika iyo ciidamada dalal kale oo fara badan, sida kuwa Shiinaha oo saldhiggiisii ugu horreeyay ee badeed ee dibedda dalkaa ka dhistay laba sanadood kahor.

Hassan Gouled Aptidon International Airport oo ku yaalla meel 25 km (16 mayl) u jirta caasimadda Djibouti City, ayaa waxyaabaha uu u adeegayo waxaa ka mid ah ciidamadan caalamiga ah.

Garoonkan casriga ah oo bilowga yeelan doono laba dhabbe oo gaaraya 4.2-km, hangar xamuulka la dhigo iyo terminaal rakaabku leeyihiin, ayaa 15 sano qaantiisa lagu bixin doonaa, sida uu sheegay Aboubaker.

Hadalsame Media