Inter Milan oo bartilmaameedka koowaad ka dhiganaysa Romelu Lukaku (Aragti kale oo jirta)

0

(Milano) 22 Abriil 2019 – Laacibka Manchester United iyo Belgium ee Romelu Lukaku ayaa sida lasoo werinayo kusoo baxay dookha 1-aad ee Inter Milan u bedelaya Mauro Icardi xagaagan.

Sida ku qoran Tuttomercatoweb, Inter Milan ayaa guddoonsatey inay iska iibiso Icardi waxaana la rumaysan yahay in Lukaku uu leeyahay ‘guga iyo garashada’ uu ku noqon karo lambar 9-ka cusub ee Inter.

United ayaa €85m kasoo bixisay 25-jirkan xagaagii 2017, balse haatan waxaa lagu heli karaa €50m kaddib laba fasal oo aanu bandhiggiisu heer sare ahayn.

Laacibkan ayaa waxaa Inter u sahli kara inuu wakiil u yahay Federico Pastorello, oo sidoo kale metela garabka Nerazzurri ee Antonio Candreva.

Yeelkeede, sida uu ka digayo TMW waxaa caqabad noqon kara mushaharka Lukaku oo €10m dalbanaya haddii uu imanayo Beneamata.

Sidoo kale Man U ayaa ku adkayn karta maadaama ay Inter horay ugu diiddey inay kala hadasho Ivan Perisic xagaagii tegey.

Waxaa jirta aragti kale oo ah in ay Inter doonayso inay Icardi ku bedelato Dybala oo ka tirsan Juve.

Hadalsame Media