Ma waxaad ka hor jeeddaa dowladd hadda jirta mise Soomaaliyada abid jirtey? (Nairobi nin facaa ah ayaa nalaystay)

0

(Hadalsame) 22 Abriil 2019 – Sida aannu marar badan sheegnay, nidaamkuna yahay mucaaradka iyo hay’aadka isla xisaabtanku waa miisaanka loo baahan yahay in la saaro dowlad kasta cid diidi kartaana ma jirto, balse waa inay tayo, talo, turis iyo qiyam leeyihiin.

Mucaaradnimada Soomaalidu waxay hidde iyo dhaqan u leeyihiin inay inta badan eegtaan dano yar oo iyaga shakhsi ahaan u gaar ah, kuwaasoo aan xitaa marar badan ka tarjumaynin hankiisa ku aaddan inuu tusaale ahaan kursi helo ama xil hanto.

Mucaaradka Soomaalida oo marar ay caddahay inuu yahay mid shakhsi ah oo ku wajahan qolo kasta oo markaa ku fadhisa, ayaa dalka u horseeda dib u dhacyo ballaaran.

Tusaale ahaan, beryahan waxaa la wad wadaa inay Nairobi ku shirayaan siyaasiyiin mucaarad ah oo axsaab qaran sheeganaya iyo qaar ka mid ah madaxda maamullada.

Haddaba, kasoo tag wax kasta oo aannu maxalli ahaan isku hayno, ee kaliya ka fikir dalka lagu shirayo ee Kenya oo ah dal si aan leex leexad lahayn u sheeganaya qayb ka tirsan dhulka Somalia, tiiyoo uu horay qayb kale u haystey.

Dan intee la’eg ayaa ugu jiri karta in la wiiqo dowladnimada la kabkabayo? Ilaa intee ka faa’iidaysan karaa in khilaafka gudeheenna dalkaa lala tago? Aragti noocee ah ayay siinaysaa hay’aadkii caga jiidka ahaa ee ay kuwa QM ugu horreeyeen ee diidanaa inay dalka usoo guuraan?

Qiime intee la’eg ayay ugu kacaysaa aragtida ay faafinayaan dad Somalia dal ahaan cadaw ugu ah oo dunida ka dhaadhiciya inaan nahay umad CAWAAN ah oo aan dalkooda hanan karin isna XUKUMI karin?

Dal 40 sano burbur ku socdey ma taban taabo ayuu u baahan yahay mise mucaaradad niic iyo hebel baan nebcahay ah oo bilaa mustaqbal ah? Maxaa ku dhigaya Nairobo oo uu nin facaa ihi nalalka gashaday oo noloshaadii naaquska baday?

Maxaa nacfi ah oo ay qolooyinkan sheeganaya inay dowladda ku kacsan yihiin ay Somalia kusoo gelinayaan hab-dhaqanka noocan ah? Qofka ku taageersan ee shacab ah se maxaa dan ah oo ugu jira? Maxay se iskugu khaldamaan mucaaradadda qofka iyo midda qarameed soow in la kala saaro waajib ma aha si danta guudi u waarto?

Marka intaas iyo su’aalo boqol ah oo kale la is waydiiyo, soow kuusoo bixi mayso in waxa dalka lug jiidaya ay Soomaalida oo qura yihiin? Ma waxaad naga iibinaysaan in beel caalam ay Somalia ka leedahay dan aysan ka lahayn Soomaalidii dalka lahayd ee aad adinku koow ka tihiin? Miyaynaan se aflaamtan hoggaamiye kooxaysiga iyo foowdada ku dhisan horay ugu soo halaagmin?

Illeen marka la eego sida ay dowladi u fikirto Kenya kuma khaldana inay ka faa’iidaysato fursad kasta oo uu siinayo dal uu xafiiltan kala dhexeeyo, waayo waxay dunidu waxay xiriirkeeda ku dhistaa qaab rogaal ah (reciprocal relationship), iyadoo hadba waranku kuugu tegayo inta uu culayskaagu la’eg yahay.

Itoobiya lafteedu waxay nooga yara debcisey ma aha jacayl gaar ah oo soo kordhay ee waa arrin soo jireen ah oo mar kasta oo uu nidaam cusubi yimaado inta uu si toos ah uga caga dhiganayo wax baa iska bedela miisaankiisa.

Xusuuso xitaa waagii Melez Senawi Itoobiya bilowgii weji fiican ayay tusaysay Somalia, ilaa ay midabkeeda rasmiga ah muujiso 1995-kii.

Tusaale, xildhibaanada iyo Xisbiyada mucaarad ee la sheegayo inay ku shirsan yihiin Hotel Pan Africa ee Nairobi ma is waydiiyeen in siyaasad la isku raacsan yahay iyo qorshe qaran uu yahay waxa lagu dhisay hoteelkaa dheer iyo nabadda ay ku dhex joogaan? Maxay dalkooda iyo dadkooda ugu diidayaan fursaddaas oo kale?

Ugu dambayn, waxaa wanaagsan in la is mucaarado, waa se inay tahay si wax dhisaysa oo aan danta dadka iyo dalka ka hor imanaynin, xilgaradnimo iyo xikmadina ku laran tahay.

Yeelkeede, sida aannu iminka wax ku wadno oo ah iska daba wareeggii aannu kusoo wareernay, mana aha mid waxtari doona midkeenna mucaarad iyo muxaafid magacii uu isu yaqaanba.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media