DAAWO: Soomaalida Maraykanka oo HIILLO u muujisay Ilhaan Cumar

0

(Washington, DC) 21 Abriil 2019 – Soomaalida Maraykanka ayaa sameeyay dibed bax ay ku taageerayaan xildhibaanadda Koongarayska ee Ilhaan Cumar.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa tashwiish iyo dacaayaad lagu furay tan iyo markii ay noqotay gabadhii ugu horreeysey oo madax daboolan ee fariisata qaacada Koongarayska.

Weerarrada lagu qaadayay ayaa iskugu jirey min kuwo ku eedaynaya ”Yuhuud nacayb” ilaa kuwo la xiriirinaya inay ”la safan tahay xag-jirka”.

Waxay arrintani cirka isku sii shareertay markii kaddib dhowr mar oo loo hanjabey ama dibed baxyo sawirkeeda lagu soo bandhigay uu Donald Trump soo tweet gareeyay muuqaal sheegaya in Ilhaan aysan ixtiraam u haynin dadkii ku dhintay weerarradiii 9/11.

“Haddii aynaan annagu is difaacin yaa na difaacaya?” ayay is waydiisey Habboon Cabdulle oo qaban qaabinta dibed baxan ka mid ahayd.

Donald Trump ayaa marar badan lagu eedeeyaa inuu yahay nin iska hor keenaya bulshada Maraykanka oo diin, dhaqan iyo abnaq ahaanba kala geddisan, taasoo kicisay nacayb fara badan oo loo qaado dadka laga tirada badan yahay.


Hadalsame Media