SHAX DIBLOMAASIYADEED: Iiraan oo keentay SHAX ay ku kala furfureeyso Carabta ka horjeedda (Shir ay ka dambayso oo Sucuudiga lagu martiqaaday)

0

(Baghdad) 21 Abriil 2019 – Baghdad ayaa isu keentay baarlamaaniyada 6 dal oo deris la ah kuwaasoo kala ah Syria, Saudi Arabia, Iran, Turkey, Jordan, iyo Kuwait.

Shirkan oo ay agaasintey dowladda Ciraaq ayaa sida la sheegay waxaa lagu doonayaa in la isugu jiid jiido dalalka deriska la ah Ciraaq, kuwaasoo ay ku jiraan dalal gobolka ku xafiiltama sida Iiraan iyo Sucuudiga, iyadoo ay Ciraaq doonayso inay isu sawirto dal cid kasta saaxiib la ah.

Ciraaq oo kasoo kabanaysa dagaal ka badan 30 sano ayaa doonaysa inay dib u qaabayso muuqaalkeeda, iyadoo iska dhigeeysa dhex dhexaadiye aan cidna la col ahayn.

Shirkan oo uu marti geliyey afhayeenka Baarlamanka Ciraaq, Mohamed al-Halbousi, ayaa lagu sheegay in lagu doonayo in lagu dhiso jaal istaraatiji ah iyadoon cidna la riixaynin aan la riixaynin.

Arrintan ayaa waxaa isla wada RW Ciraaq Adel Abdul Mahdi iyo MW Barham Salih oo sheegay inay doonayaan inay dalalka gobolku is kaashadaan.

Yeelkeede, ilo kale oo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in arrintani tahay turub ay Iiraan ciyaarayso iyadoo Ciraaq oo ay saamayn wayn iminka ku leedahay u adeegsanaysa kala furfuridda Carabta iyada lidka ku ah iyo baabi’inta aragtida uu Maraykanku ka dambeeyo Israel-na u guuxayso ee Arab NATO.

Hadalsame Media