DEG DEG: Qarixii 8-aad oo gilgiley caasimadda Colombo, wakaaladaha

0

(Colombo) 21 Abriil 2019 – Qarixii 8-aad ayaa ruxay magaalada Colombo, oo ah caasimadda iyo magaalada ugu ballaaran Sri Lanka.

Waxaa horay u dhacay ilaa 7 qarax oo ay ku naf waayeen ugu yaraan 160 qof, 402 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo lala eegtay hoteello iyo kaniisado lagu dhigayey Easter-ka.

Iminka waxaa soo baxaya inuu dhacay qarax 8-aad , kaasoo iminka la sheegay dhibka uu gaystey oo ah geerida ugi yaraan ilaa 3 qofood, sida ay booliiska maxalliga ihi u sheegeen AFP.

Qaraxyadan ayay dunida oo idil anfariir ku reebay iyadoo uu dalka Sri Lanka nisbi ahaan nabdoonaa tan iyo 2009-kii oo ay dowladdu ka adkaatay kooxdii Tamil Tigers.

Hadalsame Media