DAAWO: DF Somalia oo ku dhaqaaqaysa arrin aad MUHIM ugu ah amaanka dalka

0

(Muqdisho) 20 Abriil 2019 – Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay ku dhaqaaqayso tillaabo muddo dheer la sugayay.

Cabdi Canshuur Xasan oo ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa arrintan u sheegay telefishinka ku hadla codka dowladda Somalia ee SNTV.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dhowaan ay dowladda Soomaaliya si rasmi ah u bilaabi doont ogelinta Sim Kaaarrada Taleefoonnada gudaha (SIM Card Registration).

Wasaaradda ayaa shirkadaha Taleefoonnada u qabatay inay isku soo diiwaan geliyaan ilaa bisha Ogoosto.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu ayaa sidoo kale sheegtay inay hirgelin doonto hindise ah in si bilaash ah ay isku wici karaan dadka kala sita telefoonnada sharikaadka isgaarsiineed ee kala duwan.

Hadalsame Media