Gabar Soomaaliyeed oo lagula kacay CUNSURIYAD aysan ka cabanin! (Akhri sheekadan)

0

(Hadalsame) 20 Abriil 2019 – Bishii Luulyo 2000 ayaa askari booliis ka ahaa saldhig ku yaal xaafadda Bishopsgate ee London la geeyey maxakamad. Waxaa lagu eedeeyey inuu haweeney Soomaali ah ula dhaqmay si takoor ah.

Haweeneyda Soomaaliyeed ninka ma dacweyn ee waxaa dacweeyey gabar madaw (Caribbean) ahayd oo ka mid ahayd booliiska ka shaqeeya saldhigga.

Haweenta Soomaaliyeed ayaa timi saldhigga oo sheegtay in ay hadda ka timi Soomaaliya ayna tahay qaxooti doonaysa in la qaabilo (waxaa laga yaabaa in ay ka timi waddamada Yurubta kale qaarkood oo booliiska la isu dhiibo).

Askarigii booliiska ayaa ku yiri halkaan la iskama dhiibo ee waxaad tagtaa xarunta wasaaradda arrimaha gudaha (Home Office) ee Croydon ku taal.

Haweenaydii Soomaaliyeed waxay tiri ma tegi karo mana aqaan ee waxaan rabaa in la i kaxeeyo.

Ninkii wuxuu yiri “If you found your way 8000 KM from Somalia, surely you can find your way 4 miles down to Croydon!) ama haddaadba 8000km intaad soo socotey aad saldhigan soo heshay, 4 mayl inaad Croydon ku tagto dhib kuguma aha!.

Haweentii Soomaaliyeed hadalkaas wax kama soo qaadin laakiin gabadhii madoobayd ayaa qaadan weydey oo dacwootay.

Dhacdada waxaa lagu daabacay wargeysyada Ingiriiska 6 July 2000.

Ku celin…

Waxaa Diyaariyay: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media

Facebook Comments