”Lubnaan weerar, kaddibna burburiya gantaalaha Suuriya & halista Iiraan” – Jeneraal Israeli ah oo kashifay qorshe halis ah! + Sawirro

0

(Tel Aviv) 20 Abriil 2019 – Israel waxay haysataa hub ku filan inay dagaal toos ah la galaan Hezbollah oo ku sugan Lebanon isla markaana ay baabi’iyaan halista Iiraan ee Syria, sida laga soo xigtey taliyaha xilka ka degaya ee Taliska Woqooyi ee ciidamada Israel.

Abaanduulkan oo uu wadne kur kur ku hayo hannaanka difaaca gantaalaha Dimishiq ee S-300 oo uu sanadkii hore Ruushku siiyay ayaa yiri:

“Haddii xorriyadda dhaqdhaqaaqeenna halis la geliyo, waxaannu meesha ka saaraynaa halistaasi. Waana naqaanna sida loo fuliyo taas,” ayuu ku falax gooddiyey General Yoel Strick oo la hadlayay Ynet News.

Wuxuu intaa raaciyay in ay dhowaan keensan doonaan “hanaan ka hormarsan midkooda” si buu yiri aannu usii joogtayno ku xad gudubka hawada dalalka deriska ah annagoon wax fal-celin ah la kulmin.

”Haddii ay Suuriya dayuuradeheenna u isticmaasho S-300 ee aannu burburinno waxay u ekaanaysaa inaan qaadnay tillaabo sharci ku dhisan.” ayuu yiri.

Hadalsame Media