MUUQAAL & SAWIRRO: Koox argagixiso ah oo ka dagaallami jirtey N. Ireland oo dib usoo noqotay (Gabar weriye ah oo ay dileen)

0

(Londonderry) 19 Abriil 2019 – Kooxaha mucaaradka Jamhuuriga ah ayaa lagu eedeeyay dilka gabar weriye ahayd oo xalay la toogtey jeer ay tebinaysey rabshado ka dhacay magaalada  Londonderry.

Lyra McKee, 29 jir, ayaa la rumaysan yahay inay haleeshay rasaas wiifto ah kaddib markii uu nin hubaysani uu rasaas aan loo meel dayin ku furay booliis iyo dad goobta marayay ama taagnaa abbaarihii 11pm, wax lagu sheegay ”shil argagiso.”

Booliiska Northern Ireland ayaa maanta daboolka ka rogey in ay rumaysan yihiin in kooxda xag-jirka ah ee New IRA ay ‘ka danbayso’ dilkaasi, iyadoo weriye Ms McKee ku tilmaamay qof biri ma gaydo ah.

Ms McKee ayaa geerida ka hor waxay Twitter soo gelisey sawirrada goobta rabshaddu ka socotey kuwaasoo uu ka muuqdey qaac cirka isku shareeray iyo gawaarida gargaarka deg deggga ah, iyadoo ku qortay kabshan ah: ‘Derry caawa. Waalli qayaxan.’

Muuqaal kale oo argagax leh ayaa muujinaya nin maasgaro sita oo aag ka gelaya meel u dhow halkii ay rabshaduhu ka socdeen isagoo qori sita, kahor intii aanu rasaasta u ridin.

Ilbiriqsiyo kaddib waxaa isku darsamay qaylo ka imanaysey dhankii uu rasaasta u furay, taasoo haleeshay gabasha weriyaha ah.

Khilaafka Woqooyiga Ireland oo holcayey muddo 30 sano ka badan ayaa u dhexeeyay kooxda laga tirada badan yahay ee Jamhuuriga (Irish Republicans), oo badanaa haysta mad’habta Catholic-ga, oo doonaya in Northern Ireland ay la midoowdo Ireland Republic oo iyadu xor ah iyo dadka haysta mad’habta Protestant oo doonaya in laga sii mid ahaado Britain.

Waxaa heshiis dhiig joojin ah oo ku caan ah magaca ”Good Friday” arrintaa laga gaarey 1998-kii, si loo hakiyo iska hor imaadyo dhiigle ah oo loo yaqaanno The Troubles.

 

Hadalsame Media