“Intuu qalqalayte joogo, Intuu wax qalloocsanaayo, Gabood-fal qiyaasanaayo!” – Maanso lagu karbaashayo xagal-daaciyaha dalka!

0

(Muqdisho) 19 Abriil 2019 – Wasiirka Maaliyadda Somalia, Dr Cabdiraxmaan Bayle, ayaa tiriyey jiifto uu kula garramayo qaar uu sheegay inay gadaal ka jiidayaan geeddi socodka soo kabashada dalka iyo in horay loo socdo.

Wuxuu yiri: “Suugaantani wax ay ku socotaa Somaali bi’iska, calooshiisa keliya u shaqaysta, ka joog haadii la yidhaahdo, qabiil la soo booda. Haddii aad qofkaas tahay, adeer na sii daa! Wakhtigaasi waa gebegebo. Geeddiga ku soo daran!! Yaan lagaa tegin!”

Waa tan suugaantii:

Maxaan Qaranyohow anigu, maxaan keli qaban karaa!

Intay kala qaybi tahay
Intay qulqullaasi tahay
Intay qoqobaysantahay
Intuu nimbba qoobaddiisa
kayntiisa ku qooqanyahay
Dantiisa u qoolanyahay
Qudhiisa ku hawllanyahay

Intuu qalqalayte joogo
Intuu wax qalloocsanaayo
Gabood-fal qiyaasanaayo
Qaboonada iyo caweyska
Qantuugada cuuranaayo
Qar iyo buur saaran yayhay
Dad kii ugu qaab xuniyo
Qabiilkuna wehel u yahay
Maxaa hawl naga qabya ah

Qamuunyada ciilku keenay
Bal aan kula qaybsadee
Maxaan qaranyohow anigu
Maxaan keli qaban karaa?
Maxaan wada qaban karnaa?
Maxaan isla qaban karnaa?

Qaskaan berigii abuurnnay
Qaaciisu intuu baxaayo
Quwaaxiyo aaleheennu
Intuu yahay wada Qadhaadh
Sidaan lixdankii u qaatay
Hankayga sidaan qorshaystay
Waxaan quwaddayda saaray
Haddii laga joogo quus
Qardoofadu joogto tahay

Intay qarad oomantahay
Intay bilan qaawantahay
Rugteedu qalaalantahay
Qaxootigu hiigsi yahay
Intay shimbiraha qadhaabka
Dadkaygu la qaybsdaan
Qaraamaad loo kaltamay
Intay ku qamaamayaan
Quudkooduna caydha yahay 8 38

Qamuunyadan ciilku keenay
Sas iyo dalacsaan qabaaye
Qiyaasta sidaas u taalla
Intii aniga ila qabtaay
Wallee qosol nooma yaalle
Maxaad ila qaban kartaan?
Maxaad isla qaban kartaan?
Maxaan wada qaban karnaa?
Dalkeennan u qaban karnaa?

Waxaa Curiyey: Dr. Abdirahman Beileh

Hadalsame Media