Dadka dayuuradaha raaca oo hadda kaddib la MIISAAMI doono + Sawirro

0

(London) 19 Abriil 2019 – Rakaabka ayaa la cabiri doonaa kahor inta aysan dayuuradda raacin, si baa la yiri kharash dhimis iyo degaan badbaadin loo sameeyo.

Sharikadda Fuel Matrix ayaa sida la yiri sharikaadka duullimaadka UK wada hadal kula jirta si miisaan loo soo dhigo miisaska check-in ka laga sameeysto.

Miisaankan ayaa marka hore dhulka si qarsoodi ah loogu xirayaa iyadoo aanu qofku ogayn ayaana deeto cabirkiisu gudbayaa marka uu meesha marayo, iyadoo xogta loo gudbinayo duuliyaha.

Duuliyaha ayaa deeto xogtaa u adeegsanaya inuu isku dhufto xogaha uu hayo iyo shidaalka loo baahan yahay.

Arrintan ayaa looga gol leeyahay in si mucayin ah loo go’aamiyo shidaalka loo baahan yahay iyadoo haatan qaab celcelis ahaan ah loo qiyaaso.

Ragga, waxay ogol yihiin 13.8 dhagax, haweenka 11 dhagax iyo carruurta 5.5 sida ay daabacday Independent.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments