Dil ka dhacay Beled Xaawo & maamulka oo tillaabo ka qaaday!

0

(Beled Xaawo) 17 Abriil 2019 – Ciidanka maamulka degmada Beled Xaawo ee  gobolka Gedo ayaa  degmadaas ku soo bandhigay labo qof oo uu sheegay maamulka in ay dileen sarkaal ka tirsanaa ciidanka Dowladda.

Marxuumka dilka loo  gaystay oo lagu magacaabi  jiray Bishaar Xareed ayaa ahaa sarkaal ciidan oo dhanka ammaanka kala shaqaynaya maamulka degmada Beled Xaawo.

Dadka la soo bandhigay ayaa lagu qabtay sida maamulka uu sheegay  hub iyo agab kale oo maamulka degmadu uu tilmaamay  in ay doonayaan in qarax u adeegsadaan.

Iyaga oo madax u xiran yahay gacmahana ay ka xirxiran yihiin ayaa labadan qof ee dilka sarkaalka ku eedaysan loo soo bandhigay warbaahinta.

Degmada Beled Xaawo oo xuduud la leh degmada Mandheere ee Waqooyi Bari Kenya waxa ka socda dadaalo maamulka uu ku doonayo in uu wax kaga qabto ammaanka degmada.

Hadalsame Media